Kenya iyo Imaaraadka oo xoojinaya xiriirkooda ganacsi

0
289

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in Kenya ay sare u qaadi doonto iskaashiga dhanka ganacsiga ee kala dhexeya dowladda Isu tagga Imaaraadka Carabta.
Labada dal ayaa ku heshiiyay inay dardargeliyaan soo dhisidda guddi iskudhaf ah oo eegaya xiriirka maalgashi ee dhanka shidaalka, tiknolojiyadda, beeraha , daryeelka caafimaad iyo horumarinta dhaqaale.
William Ruto ayaa arrintan shaaca ka qaaday ka dib markii xarunta madaxtooyada dalka ee State House ee magaalada Nairobi uu wada hadal kula yeeshay wasiirru dowlaha wasaaradda arrimaha dibadda ee Imaaraadka Sheekh Shakhboot Al Nahyan.