Dab ka kacay buurta ugu dheer qaaradda Afrika ee dalka Tanzania

0
209

Waxaa lagu soo warramayaa inuu dab ka kacay buurta Kilimanjaro ee dalka Tanzania, sida ay saraakiisha wadankaasi xaqiijiyeen.
Buurtan ayaa ah midda ugu dheer qaaradda Afrika.
Guddoomiyaha maamulka qaran ee seerayaasha dalka Tanzania oo xaqiijiyay dhacdadan, ayaa sheegay inay socdaan dadaallo lagu xakameynayo dabka.
Waxaa uu intaasi ku daray in shaqaalaha waaxda dab damiska ay isku dayayaan inay damiyaan dabka iyadoo la howlgeliyay ugu yaraan 300 oo qof.
Maamulka qaran ayaa TANAPA ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in dabku uu kacay habeenkii Jimcaha ee 21-kii bishan
Sidoo kale bayaanka waxaa ku cad in wali la ogaan waxa sababay dabkan.

Nuurdiin Babu, oo ah guddoomiyaha gobolka Kilimanjaro ee wadanka Tanzania oo khadka taleefoonka kula hadlay wakaaladda wararka ee Xinhua ayaa sheegay in khubaro ay baarayaan meelaha uu dabka ka kacay iyo khasaaraha uu gaystay.
Ma ahan markii ugu horreysay uu dab ka kaco buurta Kilimanjaro ee dalka Tanzania.
Sanadkii 2020-kii ayay ahayd markii keymaha buurta uu saameeyay dab socday toddobaad kaasoo baabi’iyay dhul beereed gaarayo 95.5 kiilomitir oo isku wareeg ah.
Buurta Kilimanjaro, oo ka mid ah meelaha ugu horreeya ee loo dalxiis tago ee wadanka Tanzania, ayaa qiyaastii 5,895 mitir ka sarreysa heerka badda.
Ku dhawaad 50,000 oo dalxiisayaal ah oo ka kala yimid daafaha caalamka ayaa sanadkiiba booqdo buurtan.