Ruushka oo weerarro ka gaystay kaabayaasha tamarta ee dalka Ukraine

0
272

Ciidamada Ruushka ayaa lagu soo warramayaa in ay weerarro cusub oo dhanka cirka ah ku qaadeen xarumaha tamarta ee dalka Ukraine.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in saaka dhowr jeer ay duqeeyeen deegaan ku yaalla waqooyiga caasimadda Kyiv oo ay ku taallo xarun koronto.
Ku xigeenka madaxa xafiiska madaxweynaha Ukraine, Kyrylo Tymoshenko ayaa sheegay in saddex weerar ay militeriga Ruushka ku qaadeen xarun tamarta korontada laga soo saaro.
Duqa magaalada Zhytomyr, Serhiy Sukholyn ee dalka Ukraine ayaa sheegay in duqaymo dhinaca cirka ah ciidamada Ruushka ka gaysteen magaaladaasi ay sababatay in ay waayaan biyo iyo koronto.
Waxaa uu intaasi ku daray in hadda magaaladaasi ay korontadii ka maqan tahay islamarkaana ay biyihii go’een.