Guddoomiyaha ismaamulka Wajeer Axmad Cabdullahi ayaa sheegay in lacag dhan 150 milyan oo shilin ay sanadkan ku bixin doonaan arrimaha tacliinta.
Qarashaadkan ayuu xusay in ardayda looga bixinaya waxbarashada oo ayna qayb ka tahay miisaaniyad sanadeedka dowlad deegaanka Wajeer.
Guddoomiyaha ayaa hoosta ka xarriiqay in haddii deeqdan lacageed si caddaalad ah loo bixiyo ay haqabtiraysa baahiyaha dhanka tacliinta ee ardayda Wajeer.
Sidoo kale waxaa uu ka hadlay caqabad dhanka caafimaadka ah oo ismaamulka Wajeer ka jirta.