Xubnaha guddiga golaha qaran ee xeer dejinta ee qaabilsan su’aallo waydiinta shakhsiyaadka loo soo magacaabo xilalka dowladda ayaa maanta billaabay turxaan bixinta lagu sameynaya xubnaha golaha wasiirrada ee uu bishii hore soo magacaabay madaxweynaha wadanka William Ruto.
Musalia Mudavadi oo uu Ruto u soo magacaabay madaxa wasiirrada ayaa baarlamaanka saaka hor tagay abaare 9.00 subaxnimo, waxaana ku soo xigaya xeer ilaaliyaha guud ee magacaaban Justin Muturi oo su’aallo la waydiin doono abaare 10.30 barqannimo.
Isla maanta waxaa la turxaan bixin doonaa Aadan Barre Ducaale (Difaaca), Alfred Mutua ( Arrimaha dibadda iyo qurbajoogta), Alice Muthoni Wahome (biyaha iyo maareynta wasaqda).
Guddigan ayaa laga doonaya inuu turxaan bixinta ka dib warbixin u gudbiyo baarlamaanka si xildhibaannada ay muddo 28 cisho gudaheeda ah u ansixiyaan ama dhinac iskaga dhigaan magacyada dadka uu Ruto rabo inay qabtaan xilalka wasiirrada.
The first candidate to appear before the Committee on Appointments is the Hon.@MusaliaMudavadi who is the nominee for Prime Cabinet Secretary. He is currently appearing before the Committee. pic.twitter.com/u40cqU8FyN
— National Assembly KE (@NAssemblyKE) October 17, 2022