Brazil oo laga xaqiijiyay dhimasho dheeraad oo ka dhalatay COVID-19

0
797

Wasaaradda caafimaadka ee dalka Brazil ayaa xaqiijisay 1,972 oo ah dhimasho hor leh oo ka dhalatay cudurka COVID-19.
Sidoo kale waxaa dalkaas laga diiwaangeliyay xaalado cusub oo dhan 70,764 oo ah kuwa coronavirus.
Tirada guud ee dadka ku nool Brazil ee ilaa iyo hadda uu haleelay cudurka ayaa ah 11.1 milyan oo qof halka ugu yaraan 268,370 qof ay dhinteen.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO Tedros Adhanom uu dowladda Brazil ugu baaqay in ay dadaalkeeda laba jibaarto oo aynan fududeysan halista caabuqa.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ololaha tallaalka ka dhanka ah cudurka COVID-19 ee Brazil uunan u socon sidii la rabay.
Ilaa iyo hadda waxaa tallaalka qaatay 8.6 milyan oo ka mid ah shacabka wadankaas.