Ingiriiska iyo Nigeria oo ku heshiiyay in la soo celiyo lacag la dhacay

0
699

Dowladaha Ingriiiska iyo Nigeria ayaa wada saxiixday heshiis lagu soo celinayo lacag dhan 5.8 milyan oo doolar oo la rumeysan yahay in horay loo dhacay.
Dhaqaalahan ayay wararku sheegayaan in laga soo celiyay mas’uul horay u ahaa guddoomiye gobol oo magaalada London loogu xiray wax isdabamarin lacageed.
James Ibori, ayaa ahaa guddoomiyihii gobolka koonfureed ee Nigeria ee Delta intii u dhexeysay 1999 iyo 2007-dii.
Waxaa uu qirtay dacwadda lagu soo oogay kaddibna 13 sano oo xarig ah ayaa lagu xukumay.