LSK oo Nuurdiin Xaaji u qabatay saddex maalmood

0
307

Ururka qareennada dalka ee LSK ayaa dalbanaya in agaasimaha waaxda dacwad oogidda wadanka Nuurdiin Xaaji uu saddex cisho gudahooda faahfaahin dhameystiran uga bixiyo sababaha uu dhawaan meesha uga saaray dacwado ka dhan ahaa dad magac leh.
Madaxa ururka garyaqaannada wadanka EricTheuri oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Nuurdiin ay mas’uuliyad ka saran tahay inuu qaranka u caddeeyo go’aanka ka soo baxay xafiiskiisa.
Waxaa uu dhanka kale baarlamaanka ugu baaqay inuu tixgeliyo hal-beegyada hufnaanta marka uu turxaan bixinaya wasiirrada magacaaban.
Agaasimaha waaxda dacwad oogidda dalka Nuurdiin Xaaji ayaa dhawaan soo saaray codsi ah in laga laabto dacwadda musuqmaasuqa oo ay wajaheysay xildhibaankii hore ee deegaanka Malindi ee ismaamulka Kilifi ahna wasiirradda magacaaban ee wasaaradda adeegga dadweynaha,Jinsiga iyo barnaamijyada gaarka ah.
Caa’isha Jumwa ayaa loo haystay eedeymo la xiriiira in si aan habbooneyn ay u isticmaashay lacag dhan 19 milyan oo shilin oo qayb ka ahayd sanduuqa horumarinta deegaan baarlamaaneedka Malindi ee CDF-ta.
Falkan musuqmaasuqa ayaa la soo tabiyay intii u dhexeysay bilihii Shanaad iyo 10-aad ee sanadkii 2018-kii
Xafiiska waaxda dacwad soo oogidda oo adeegsanaya qareenkooda Alex Akula ayaa ku wargeliyay garsooraha maxkamadda sare, Martha Mutuku in laga noqdo dacwadda ka dhanka ah Jumwa oo ah eedaysanaha koowaad ee kiiskan.
Hasa ahaate 8 eedeysanayaal kale oo dacwaddan wajahaya ayuu kiiskooda sii socon doona.
Qareenada u doodaya Mrs. Jumwa ayaa soo dhaweeyay tallaabadan, waxaana ay dowladda ka dalbadeen in ay raaligelin ka bixiso eedeymaha horraan lagu soo oogay wasiirradda magacaaban.
Garsoore Mutuku ayaa dhanka kale amartay in mar kale kiiskan la xuso si 8-da eedaysane ee kale dacwad dib loogu soo oogo.
Kiiskan oo la xiriira musuqmaasuqa ayay maxkamaddu mar kale eegi doontaa 17-ka bishan.