Ruushka oo daadgureynaya shacabka Kherson

0
336

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay soo daadgureyn doonto shacab ku nool gobolka Kherson ee dalka Ukraine oo ka mid ah afar gobol oo ay dhawaan xukuumadda Moscow shaacisay inay goosatay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay sii xoogeysanayaan howlgallada iska caabinta Ruushka ee ciidamada Ukraine.
Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ruushka Marat Khusnullin ayaa sheegay in go’aanka daadgureynta la qaatay si loo caawiyo dadka ka soo baxaya Kherson.
Guddoomiyaha uu Ruushku halkaasi u xilsaaray ayaa horay dadweynaha ugu baaqay inay gobolka iskaga baxaan si ay naftooda iyo carruurtooda u badbaadiyaan.
Tani ayaa timid ka dib markii Ukraine ay sheegtay inay sii wadayso howlgallada falcelinta ee ay dib ugula wareegtay 5 degmo oo hoos tago gobolkaasi koonfureed.