Waxaa lagu soo warramayaa in sarkaal ilaalo u ahaa marwada hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya, Ida Odinga ayaa subaxnimadii hore ee saaka dabley aan la garanayn ku toogteen magaalada Kisumu ee gobolka Nyanza.
Wararka ayaa sheegaya in sarkaalka la dilay oo lagu magacaabi jiray Barrack Jaraha lagu toogtay deegaanka Mamboleo ee hoos taga galbeedka ismaamulka Kisumu abaare 5-tii subaxnimo ee maanta.
Taliyaha booliska ee gobolka Nyanza Karanja Muiuri ayaa xaqiijiyay dhacdadan, isagoo sheegay in baaritaan lagu ogaanayo dilka sarkaalka ay haatan socdaan.
Meydka askariga ilaalada u ahaa Mama Ida Odinga ayaa la geeyay goobta meydadka la dhigo ee isbitaalka wayn ee Jaramogi Oginga Odinga Teaching and Referral Hospital ee dowlad deegaanka Kisumu.
Ilo ku dhow qoyska sarkaalka dhintay ayaa warbaahinta u sheegay in markii la dilay uu shaqada ka maqnaa.
Wararka ayaa intaasi ku daray in marwada hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio La Umoja-One Kenya xisbiga ODM ,Ida Odinga aysan ku sugneyn ismaamulka Kisumu.
Home Wararka Kenya Sarkaal ilaalo u ahaa marwada hoggaamiyaha isbeheysiga Azimio Mama Ida Odinga oo...