PSC oo sheegtay in aan wax laga beddelin jagooyin la xayeysiiyay

0
235

Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa bayaan ku sheegay in aan wax isbeddel lagu sameyn xilalka xoghayeyaasha maamulka sare ee wasaaradaha dowladda dhexe oo la soo xayeysiiyay.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo ay maxkamaddu sheegtay in qaabkii jagooyinkan lagu soo dhisay uu ahaa mid aan waafaqsanayn dastuurka wadanka.
Hasa ahaate madaxa fulinta ee guddiga PSC Dr. Simon Rotich ayaa sheegaya in kenyaanka u qalmo qabashada jagooyinkan ay weli haystaan fursad ay ku soo codsan karaan.
Guddiga ayaa xusay inuu codsiyada guddoomo doono ugu dambeyn 27-ka bishan Tobnaad.
PSC ayaa ku doodaysa inay xayeysiinta sameysay ka dib markii ay dadweynaha ka qayb gelisay si ay afkaartooda u soo dhiibtaan.
24-ka bishan ayaa la qorsheynaya inay maxkamadda shaqada iyo shaqaalaha ee dalka ay dhageysato dacwad uu gudbiyay ururka qareennada wadanka ee LSK oo uu uga soo horjeedo tallaabadii uu sanadkii 2018-kii madaxweynihii hore ee Kenya Uhuru Kenyatta uu xilalka CAS ku soo magacaabay.