Madaxweynaha dalka oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirro cusub

0
382

Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safirro ay dhawaan dowladaha Talyaaniga , Turkiga, India iyo Faransiiska ay u soo magacaabeen inay Kenya ku matalaan.
Waxaa uu sheegay in dowladda dhexe ay ka go’an tahay in la wanaajiyo xiriirka ka dhexeya dalka iyo waddamadan.
Tallaabadan ayuu sheegay inay faa’iidooyin badan u leedahay shacabka.
Safiirrada uu Ruto warqadaha aqoonsiga ee danjirennimo uga guddoomay xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ayaa kala ah Subutay Yüksel (Turkiga), Dr Roberto Natali (Talyaaniga), Namgya Khampa (India) iyo Arnaud Suquet (Faransiiska).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here