Malala Yousafzai oo u ololeysa waxbaridda gabdhaha sidoo kalena sanadkii 2014-kii la guddoonsiiyay billadda nabadda ee Nobel Peace Prize ayaa booqanaysa meelaha ay daadadka saameeyeen ee dalka Pakistan.
Socdaalkan ayaa noqonaya midkii labaad ee ay dalkeeda ku timaado tani iyo markii madaxa laga toogtay sanadkii 2012 xilli ay dugsi ka soo laabanaysay.
Bayaan ka soo baxay hay’adeeda tabarucaadda ee Malala Fund, ayaa lagu sheegay in socdaalkeeda uu yahay mid lagu doonayo in dareenka beesha caalamka loo soo jiido dhanka saameynta ay daadadka ku yeesheen dalka Pakistan iyo baahida loo qabo in la xoojiyo gargaar baniaadannimo oo degdeg ah.
Pakistan ayaa waxaa culeys ku keenay fatahaado ka dhashay roobab culus oo da’ay oo tan iyo bishii 6-aad ee sanadkan ay ku dhinteen in ka badan 1,700 oo qof.
Dowladda dalkaasi oo ay haysato caqabad maaliyadeed ayaa laga soo xigtay in daadadka ay sababeen burbur hantiyadeed oo dhan 40 bilyan oo doolar.
Fatahaadaha ayaa saameeyay in ka badan 33 milyan oo ruux sida ay sheegtay qaramada midoobay intii u dhexeysay 3-dii ilaa 9-kii bishan.