Ismaamulka Nairobi oo ka laabtay qorsho baarar lagu xiraya

0
370

Dowladda hoose ee ismaamulka Nairobi ayaa hakisay qorsho ay doonaysa inay leesimada kala laabato 43 ka mid ah goobaha lagu caweeyo.
Xarumahan ayaa qarka u saarnaa in la xiro ka dib markii lagu eedeyay sawaxan saaid ah oo ay dadweynaha dhibsadeen.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii uu cabasho arrintan ku saabsan gudbiyay wakiilka deegaanka hoose ee Kileleshwa ee ismaamulka Nairobi, Robert Alai.
Tani ayaa timid ka dib kulan uu barasaab ku xigeenka caasimadda wadanka Njoroge Muchiri la yeeshay mulkiilayaasha goobahan.
Waxaa uu ku amray inay u hoggaansamaan xeerarka degsan ama haddii kale tallaabo sharciyeed oo ku habboon laga qaadi doono.