Shacabka dalka Austria ayaa ka qayb qaadanaya doorasho madaxtinnimo oo la rajeynaya inuu ku guulaysto madaxweynaha hadda xilka haya Alexander Van .
Waxaa jagadan kula tartamaya 6 musharrax oo kale oo dhammaantood rag ah.
6.4 milyan oo qof oo ka mid ah dadweynaha Austria oo gaaraya 9 milyan ayaa isku diiwaangeliyay ka qayb galka codeynta.
Goobaha codbixinta ee dalkaasi ayaa inta badan furmay abaare 7-dii subaxnimo .