Dagaal culus oo haatan ka socda deegaan ka tirsan gobolka Hiiraan

0
344

Wararka ka imaanaya deegaanka Jiciboow oo ka mid ah deegaanada hoostaga degmada Buulaburte ee gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in halkaasi uu haatan ka socdo dagaal xooggan oo u dhexeya ciidamada dowladda kuwa dadka deegaanka oo dhinac iyo Al-shabaab.
Dagaalka ayaa billowday ka dib markii ciidamada iskaashanaya ay weerar ku qaadeen deegaanka Jiciboow oo qiyaastii 30 kiilomitir dhinaca Waqooyi kaga beegan Buulaburte, halkaas oo muddooyinkii dambe fariisin u ahayd Al-Shabaab.
Dagaalka ayaa la soo sheegaya inuu yahay mid aad u xooggan oo la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan, lamana oga khasaraaha ka dhashay dagaalka haatan socda, hayeeshee dadka deegaanka ayaa soo sheegaya inuu jiro khasaare kala gaaray labada dhinac oo aysan ogaan karin inta uu gaarsiisan yahay maadama wali uu dagaalka ka socdo gudaha deegaanka Jiciboow.
Ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa muddooyinkii dambe gobolka Hiiraan kula dagaalamayay Al-Shabaabka ku sugan deegaanada gobolkaasi, waxaana bilihii lasoo dhaafay ciidamada iskaashanaya ay Al-Shabaab kala wareegeen inta badan deegaanadii ay horay uga talin jireen.