Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua oo ay weheliyaan siyaasiyiin ka tirsan baarlamaanka iyo aqalka sare ayaa maanta ku sugan ismaamulka Uasin Gishu ee gobolka Rift Valley.
Waxay halkaasi u tageen inay ka mahadceliyaan sida 9-kii bishii Siddeedaad ee sanadkan isbeheysiga Kenya Kwanza loogu taageeray hanashada hoggaanka wadanka.
Iskuduwaha dowladda dhexe ku matalo gobolka Rift Valley Macallin Maxamad ayaa sheegay in tan iyo markii xilkan loo dhiibay uu isbeddel ballaaran ku sameeyay amniga ismaamullada kala duwan .
Waxaa uu sidoo kale hoggaamiyaha labaad ee Kenya , Rigathi Gachagua u xaqiijiyay in saraakiisha dowladda ay si dhow ula shaqeyn doonaan madaxda kala duwan ee la soo doortay.
Hoggaamiyaha aqlabiyadda baarlamaanka dalka ahna xildhibaanka deegaanka Kikuyu ee ismaamulka Kiambu Kimani Ichungwah ayaa hoosta ka xarriiqay inay u adeegi doonaan qof waliba oo kenyaan ah iyadoo aan la eegayn garabka siyaasadeed ee uu soo dhisay.