KRA oo sheegtay inay xirtay haween lacag ka keenay India

0
547

Saraakiisha kastamka ee maamulka canshuuraha dalka ee KRA ayaa sheegay inay gagida caalamiga ee diyaaradaha JKIA ee magaalada Nairobi ay ku qabteen 6 haween oo soomaali ah.
Waxaa loo haystaa inay isku dayeen inay dalka soo geliyaan lacag dhan 857,300 oo doolar una dhiganta 103.6 milyan oo shilin oo la rumeysan yahay inay ka keeneen wadanka India.
KRA ayaa laga soo xigtay in eedeysanayaasha la qabtay xilli ay ka yimaadeen India iyagoo soo raacay diyaarad laga leeyahay Itoobiya ET 318.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in lacagta la helay ka dib markii saraakiisha ay baareen alaab ay siteen haweenkan oo ay ku jiraan kabo iyo dhar.
KRA ayaa intaasi ku dartay in lacagta la qabtay la geeyay bakhaarka waaxda kastamka.
Bishii koowaad ee sanadkan ayay ahayd markii dhacdo tani la mid ah laga soo tabiyay garoonka JKIA xilligaasi oo 110 milyan oo shilin lagu helay qof u dhashay dalka Baxrayn.