Xildhibaan lagu amray inuu dhameysto xukun 67 sano ah

0
383

Maxkamadda sare ee dalka ayaa maanta xildhibaanka laga soo doortay deegaanka Sirisia ee ismaamulka Bungoma, John Waluke ku amartay inuu dhameysto xukun xabsi oo ah 67 sano oo uu ka qaatay afar bilood.
Tani ayaa timid ka dib markii uu ku guul dareystay dacwad racfaan oo uu go’aankan ka qaatay.
Garsoore Esther Maina, oo ka howlgasho maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in si shaki la’aan ah loo cadeeyay dacwadda lagu soo oogay xildhibaanka sidoo kalena ay yihiin kuwo aan ka baxsanayn dastuurka wadanka u degsan.
John Waluke oo markii saddexaad xubin ka ah baarlamaanka ayaa horay loo xiray ka dib markii lagu helay dembi ah inuu ku lug lahaa fadeexad lagu lunsaday lacag dhan 313 milyan oo shilin.
25-kii bishii Lixaad ee sanadkii 2020 ayay ahayd markii la xukumay Waluke iyo Grace Wakhungu oo lala soo eedeyay.
Grace oo hadda xabsiga ku jirta ayaa la filaya in maxkamadda dib loogu celiyo.
Waxaa labaduba loo haystaa in shirkadda Erad Supplies & General Contracts oo ay saami ku leeyihiin ay ahayd in sanadkii 2004-tii ay guddiga qaran ee dalagga ee NCPB ku wareejiso galley dhan 40,000 metric tonnes hasa ahaate in iyagoo aan xita hal kiish oo galley ah aan guddiga gaarsiin in la siiyay ugu yaraan 300 milyan oo shilin.