IEBC oo shaacisay xilliga la qabanayo doorashada ku celiska ee kursiga senetarka ismaamulka Bungoma

0
354

Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa wargeyska rasmiga ee dowladda ku soo daabacday in doorasho ku celis ah ee kursiga senetarka ismaamulka Bungoma la qaban doono 8-da bisha 12-aad ee sanadkan.
Codeynta ku celiska ah ayaa ku soo beegmaysa ka dib markii Moses Wetangula oo kursigan difaacday doorashadii dhacday bishii Siddeedaad ee sanadkan uu xilkan iska casilay.
Moses Wetangula ayaa bishii hore loo doortay guddoomiyaha baarlamaanka ee wadanka.
Guddoomiyaha guddiga IEBC Wafula Chebukati ayaa sheegay in xisbiyada siyaasadeed ee doonaya in ay ka qayb galaan doorashadan ku celiska ah ay soo gudbiyaan magacyada musharrixiinta ka qayb qaadanaya doorashooyinka hor dhaca ee Is reeb-reebka ah ka hor ama ugu dambeyn 13-ka bishan.
Sidoo kale musharrixiinta u tartami doono si madax bannaan ayaa lagu wargeliyay inay codsiyadooda diraan ugu dambeyn 19-ka bishan.
Guddiga madaxa bannaan ee doorashooyinka iyo xuduudada wadanka ee IEBC ayaa sidoo kale qorsheynaya in 8-da bisha Diseembar ee sanadkan ay doorashooyin ku celis ah ka dhacaan deegaannada hoose ee kala ah Ololmasani (Narok), Kyome/Thaana (Kitui), Utawala (Nairobi), Waqooyiga Mumias (Kakamega) iyo Koonfurta Gem oo hoos tagto ismaamulka Siaya.