KRA oo soo dhaweysay hadal uu jeediyay madaxweynaha dalka

0
389

Maamulka cabshuuraha dalka ee KRA ayaa soo dhaweeyay hadal uu dhawaan jeediyay hoggaamiyaha wadanka William Ruto oo ahaa in la doonayo in canshuur bixiyaasha loola macaamilo qaab ay baniaadannimo ku dheehan tahay oo aan ganacsiyada la xirin ama ganacsatada la cabsi gelin iyadoo awood la adeegsanaya.
Guddoomiyaha guud ee KRA Githii Mburu ayaa sheegay in madaxweynaha ay ku waafaqsan yihiin arrintan uu ka hadlay.
Waxaa uu hoosta ka xarriiqay in iyagoo tani tixgelinaya ay garab siin doonaan kenyaanka caqabadaha ku qabo canshuur bixinta.
Balse waxaa uu ku celceliyay inay qasab tahay in muwaadin waliba uu canshuur bixiyo si loo helo dakhli loo adeegsan karo horumarinta wadanka.
KRA ayaa dhanka kale sheegtay in sanadkan ay bartilmaameedsanayso inay hal milyan oo canshuur bixiyaal ah ku soo darto hannaankeeda oo ay hadda uga diiwaan gashan yihiin 6.5 milyan oo qof.