Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa wada hadal la yeeshay xoghayaha waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka , Antony Blinken .
Waxay labada mas’uul diiradda saareen arrimaha bacriminta iyo dagaalka saameeyay waqooyiga dalka Itoobiya sida laga soo xigtay afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee xukuumadda Washington Ned Price.
Ruto iyo Blinken ayaa sidoo kale soo hadal qaaday duullaanka militari ee ay dowladda Ruushka ka wado gudaha wadanka Ukraine.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo dowladda dhexe ay ku dadaalayso inay bacrimin gaarsiiso beeralayda ay abaarta hoos u dhigtay wax soo saarkooda.
Dowladda Kenya ayaa dhanka kale taageertay qaraar uu soo saaray golaha ammaanka ee qaramada midoobay oo lagu cambaareeyay afti Ruushku uu ka sameeyay dalka Ukraine.
Antony Blinken ayaa Kenya uga mahadceliyay go’aanka ay arrintan ka qaadatay iyo sida ay uga go’an tahay ilaalinta xeerarka caalamiga ah.