Maamulka boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa si ku-meel-gaar ah shalay u xiray siddeed masaajid oo ku yaala saddex gobol ee dalkaasi ka tirsan.
Wasaaradda arrimaha diinta iyo awqaafta ee Sacuudiga ayaa sheegtay in 236 masaajid la xiray 29-kii maalmood ee la soo dhaafay kuwaas oo 224 ka mid ah dib loo furay ka dib markii la nadiifiyay waxaana la qaaday tallaabooyin lagu xaqiijinayo badqabka dadweynaha ku cibaadeysanaya masaajidda dalkaasi.
Lix ka mid ah masaajidda la xiray shalay ayaa waxay ku kala yaalaan magaalooyinka Riyaad, Madina iyo Tabuuk.
Wasaaradda ayaa intaa ku dartay in lix masaajid oo horay loo xiray dib loo furay kuwaas oo ku kala yaala magaalooyinka Makka, Qassim iyo gobolka bari ee dalkaasi.
Wasaaradda ayaa ugu dambeyntii ugu baaqday dadka cibaadaysanaya iyo madaxda masaajidda inay u hoggaansamaan dhammaan tallaabooyinka taxaddarka ee looga hortagaya faafitaanka cudurka COVID-19.