Wakaaladda wararka ee Interfax ayaa ku warramaysa in dowladda Ruushka ay gudbisay dacwad ka dhan ah shirkadaha Google, Facebook, Tiktok , Telegram iyo Twitter.
Waxay barahan ku eedeysay in aynan tirtirin macluumaad carruurta lagu boorinaya in ay ka qayb galaan dibadbaxyo lagu sheegay sharci darro .
Kiiska ayaa loo bandhigay maxkamad ku taalla magaalada Moscow.