Maraykanka oo baaq u diray kooxda xuutiyiinta ee Yemen

0
545

Xukuumadda Washington ayaa kooxda Xuutiyiinta ee ka dagaallanto gudaha wadanka Yemen ugu baaqday in ay joojiso weerarada oo ay fursad siiso wada-hadallada.
Maraykanka ayaa arrin aan la ogolaan karin ku tilmaamay weerarada kooxdan ay ku bartilmaameedsanayso boqortooyada Sacuudi Carabiya.
Afhayeenka waaxda arrimaha dibadda ee Maraykanka Ned Price ayaa bayaan uu soo saaray ku sheegay in xuutiyiinta laga doonayo in ay soo afjaraan fal kasta oo sii adkeyn karo in xal waara laga gaaro dagaallada ragaadiyay Yemen.
Isbeheysiga militari ee uu Sacuudiga hor kacaya oo garab siinaya dowladda Yemen ayaa kooxda Xuutiyiinta la dagaallamayay tan iyo sanadkii 2015-kii.