DHAGEYSO:Saddex sano oo ka soo wareegatay heshiiskii Raila iyo Uhuru

0
496

Waxay maanta ku beegan tahay sanadguuradii saddexaad ee ka soo wareegatay taariikhdii ay kulmeen oo ay heshiiyeen madaxweynaha dalka Uhuru Kenyatta iyo madaxa xisbiga ODM Raila Odinga.
9-kii bishii saddexaad ee sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii labadan hoggaamiye ay si lama filaan ah isugu afgarteen in ay dhinac iskaga dhigaan khilaaf siyaasadeed oo u dhexeyay iyagoo u daneynaya dalka.

Shirkii iyo heshiiskii xigay ee taariikhiga ahaa ayaa yimid ka dib doorashooyin lagu kala qaybsamay iyo go’aan uu Raila isugu dhaariyay xilka madaxweynaha shacabka.
Tallaabadii ay qaadeen Uhuru iyo Raila ayaa wadanka u horseedday xasilooni buuxda oo siyaasadeed.
Waxay meesha ka saartay dibadbaxyo iyo dhaliilo joogto ah oo ay siyaasiyiinta garabka mucaaradka u jeedinayeen dowladda talada haysa iyo falcelin adag oo uu maamulka jubilee adeegsanayay.
Is-afgaradkii Uhuru iyo Raila waxaa ka dhashay qorsho loogu magacdaray BBI oo lagu doonayo in lagu xoojiyo midnimada shacabka sidoo kalena lagu beddelo qaar ka mid ah qodobbada dastuurka Kenya.
Hasa ahaate qaar ka mid ah siyaasiyiinta dalka sida madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa qabo in go’aankii ay labada mas’uul qaateen saddex sano ka hor uu saameeyay waxqabadkii maamulka Jubilee.
Senatarka ismaamulka Siaya James Orengo iyo xildhibaanka deegaanka Rarieda Otiende Amollo ayaa dhawaan sheegay in ay jiraan saraakiil ka tirsan dowladda oo carqaladeynaya is-gacanqaadkii Uhuru iyo Raila sidoo kalena aan jecleyn in lagu guulaysto geeddisocodka sharci beddelka ee BBI.
Waxaa dareen kani la mid ah muujiyay senatarka ismaamulka Murang’a Irungu Kang’ata oo sheegaya in heshiiskii labada siyaasi uu burburay maadaama sida uu hadalka u dhigay aan sidii hore la isugu kalsooneyn.