Waxaa sare u sii kacday tirada dadka ee ku dhintay qaraxyadii saameeyay magaalada Bata ee wadanka Equatorial Guinea iyada oo gaartay 98 qof.
Ilaa iyo hadda waxaa la xaqiijiyay in ay dhaawacmeen 615 qof oo dheeraad ah.
Qaraxyada ayaa ka billowday dab ka kacay saldhigga militari ee Nkoantoma.
Madaxweynaha dalkaasi Teodoro Obiang Nguema ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dhasheen beeraleey xakameyn waayay dab ay shideen oo ugu dambeyn gaaray waxyaabaha qarxa oo si aan habboneyn loogu keydiyay xerada militari.