Madaxweynaha dalka oo guddoomiyay shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada

0
394

Madaxweynaha dalka Dr. William Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku guddoomiyay shirkii ugu horreeyay ee golaha wasiirrada tan iyo markii la doortay 15-kii bishii hore.
Labo toddobaad ka hor ayay ahayd markii Ruto iyo ku xigeenkiisa Rigathi Gachagua la dhaariyay.
Waxaa kulanka maanta la qayb galay wasiirka arrimaha gudaha Dr. Fred Matiangí, dhigiisa isgaarsiinta Joe Mucheru,Prof. George Magoha (waxbarashada) Peter Munya(Beeraha) James Macharia(Gaadiidka) ,Eugene Wamalwa(Gaashaandhigga) , Mutahi Kagwe (Caafimaadka) ,Najib Balala(Dalxiiska) Simon Chelugui(Shaqaalaha) Amina Maxamad ( Cayaaraha), Farida Karooney(Dhulalka), Keriako Tobiko(Deegaanka), Margaret Kobia(Jinsiyadda) Ukur Yatani(Maaliyadda) ,Monica Juma(Tamarta), Rachel Omamo(Arrimaha dibadda ), Betty Maina(Ganacsiga) iyo madaxa waaxda adeegga dadweynaha Joseph Kinyua.
Hasa ahaate weli faahfaahin rasmi ah lagama hayo waxyaabaha looga hadlay shirka maanta.
Tani ayaa imaanaysa iyadoo madaxweyne William Ruto uunan weli soo magacaabin golihiisa wasiirrada oo xubnaha ka tirsanaa maamulkii Uhuru Kenyatta ee uu maanta la shiray lagu wado inay dhawaan xafiisyada banneeyaan.
Waxaa uu qorshuhu yahay in Khamiista soo socoto uu madaxweynaha dalka si wadajir ah khudbad ugu jeediyo xubnaha baarlamaanka iyo aqalka sare.