Booliska oo baaraya geerida Gicheru

0
443

Ciidamada booliska ee dalka ayaa baaritaano ku haya geerida Paul Gicheru oo ahaa qareen loo haystay inuu laaluushay qaar ka mid ah marqaatiyaasha dacwado ka dhan ahaa shakhsiyaad lala xiriiriyay rabshadihii wadanka ka dhacay sanadkii 2007-dii.
Maxkamadda caalamiga ee dembiyada dagaalka ee ICC-da ayaa weli waday dhageysiga eedeymaha ka dhan ah Gicheru.
Bishii labaad ee sanadkan ayay ahayd markii la soo taagay maxkamadda ICC-da isagoo iska fogeeyay dhamaan waxyaabihii lagu soo oogay oo ay ka mid ahayd inuu u hanjabay marqaatida.
Guddiga xuquuqul aadanaha ee dalka ayaa hay’adaha dambi baarista ugu baaqay inay sameyaan baaritaano qoto dheer.
Saacado ka hor ayay ahayd markii saraakiisha ammaanka iyo xubnaha qoyska Paul Gicheru ay sheegeen in meydka garyaqaanka laga dhex helay hoygiisa oo ku yaalla xaafadda Karen ee magaalada Nairobi.