Barasaabka ismaamulka Nairobi Johnson Sakaja ayaa sheegay in goobaha lagu nasto ee ku yaalla caasimadda wadanka sida Uhuru Park iyo Central Park in dadweynaha loo furi doono bisha Diseembar ee sanadkan.
Waxaa uu xusay in shacabka ay goobahan adeegsan doonaan iyagoo aan wax lacag ah bixin.
Bishii Labaad ee sanadkan ayay ahayd markii maamulka ay dowladda dhexe u xilsaartay bixinta qaar ka mid ah adeegyada bulshada Nairobi ee NMS uu labadan xarumood xiray si dayactir loogu sameeyo.