Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in 20,000 oo kiish oo bariis ah, 20 kun oo digir ah, saliidda cuntada lagu karsado iyo quudka xoolaha la gaarsiiyay ismaamullada kala duwan wadanka oo ay abaartu saameysay.
Waxaa uu intaasi ku daray inay dowladda dhexe toddobaadka soo socda deegaanadan u diri doonto shixnad kale oo tan la mid ah.
William Ruto ayaa sheegay in wasaaradda ay howshaan qusayso iyo hanti dhowrka ay horay ugu heshiiyeen diyaarinta kheyraadka loo baahan yahay qaybta xigtana ay noqon doonto Jimcaha dambe.
Madaxweynaha dalka ayaa sheegay inay dowladda toddobaad kasta qiimeyn doonto xaaladda abaarta si loo ogaado meelaha ugu daran iyo tallaabooyinka la qaadi karo, iyadoo dowladda ay biyo galin doonto deegaanada ay dhibaatadu saameysay.
Dowladda dhexe ayaa sheegtay inay howshan galeyso wasaaradda biyaha si loo xaqiijiyo khariiradda lagu ogaanayo goobaha biyo la’aanta ah.
Maamul goboleedyada ayaa lagu boorriyay inay wax ka bixiyaan miisaaniyadooda xitaa haddii ay ka gaabiyeen mashaariicda qaar si ugu horeynba wax looga qabto dhibaatooyinka abaartu sababtay.
Madaxweyne Ruto ayaa guddoomiyayaasha ismaamullada u sheegay inay hagaajiyaan miisaaniyadooda si loo helo agabyo dheeraad ah oo xiisadda lagu dajinayo.
Waxaa uu wacad ku maray inay maamulkiisa uu qaadi doono tallaabooyin firfircoon oo xaaladaha taagan looga jawaabayo.
Abaarta wadanka ka taagan ayaa lagu tilmaamay tii ugu darnayd ee dalka soo marta muddo 40 sano ah, 23 ka mid ah ismaamullada wadanka ayayna si ba’an u saameysay, 10 ka mid ah ayaa qaylo dhaan aad ah laga soo sheegaya.
Kenya waxay ka mid tahay 3 waddan ee ku yaalla gobolka geeska Afrika oo ay soo foodsaartay abaar ba’an muddo tobonaan sano ah taasoo ay sababeen roobabkii caadiga ahaa oo ka hoos maray heerkii caadiga ahaa kuwaas oo galay xilligii shanaad oo aan wax roob ah oo badan aan la helin.
Flagging off of relief food to famine-stricken families in various parts of the country, State House, Nairobi County. https://t.co/K7g8PVCyNS
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) September 26, 2022