Ciidamo ka tirsan kuwa daraawiishta maamul Goboleedka Galmudug, islamarkaana gadoodsan ayay la wareegeen Kastamka Canshuuraha magaalada Gaalkacyo qaybta Galmudug, halkaas oo Gaadiidka lacag looga qaadi jiray.
Ciidamadan oo wata Gaadiidka dagaalka noocyadooda kala duwan ayaa waxaa ay sheegeen inay cabasho ka yihiin xuquuq kaga maqan Maamulka Galmudug ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Axmad Cabdi Kaariye (Qoor Qoor).
Waxaa ay Ciidmadan horay sidaan oo kale u xirteen waddooyinka soo gala magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug, hayeeshee markii dambe ay u fureen Maamulka Gobolka Mudug oo u ballanqaaday in xuquuqda ka maqan uu uga keenayo Madaxweynaha Galmudug.
Saraakiisha hoggaamineysa Ciidamada gadoodsan ayaa waxaa ay sheegeen in Madaxweynaha Galmudug uu uga baxay ballan ay horay ula galeen, waxaana xalay ilaa saaka ku xayiran Gaadiid farabadan Kastamka Canshuuraha Magaalada Gaalkacyo.
Maamulka Gobolka Mudug ee Galmudug ayaa weli ka hadlin xeritaanka Kastamka Canshuuraha magaalada Gaalkacyo ee Ciidamada Daraawiista Galmudug, iyada oo ay socdaan wadahadallo xal looga gaarayo.