Barasaabyada ismaamullada oo beesha caalamka iyo hay’adaha ka codsaday inay abaaraha wax kala qabtaan

0
259

Golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada wadanka ee CoG ayaa ugu baaqay beesha caalamka iyo hay’adaha aan dowliga ahayn ee NGOs-yada inay soo farageliyaan ayna taageeraan dadaallada dowladda ee wax looga qabanayo abaaraha wadanka ka jira.
Guddoomiyaha golaha CoG ahna barasaabka ismaamulka Kirinyaga Anne Waiguru ayaa sheegtay in xaaladda abaarta ee dalka oo dhan ay aad u xumaatay loona baahan yahay in la qaado tallaabooyin degdeg ah oo ka imaada daneeyeyaasha kale si loo xoojiyo ka jawaabida abaarta ee heer qaran iyo heer gobol.
Waxaa ay tilmaantay iyadoo la eegayo sida loogu baahan yahay tallaabooyin baaxad leh oo xaaladda jirta wax looga qabanaya inay lagama maarmaan tahay badbaadinta dadka iyo xoolahooda.
Beesha caalamka, hay’adaha horumarinta, kuwa aan dowliga ahayn, ganacsiyada gaarka ah iyo dhammaan bahwadaagta kale ayay ka codsatay inay ballaariyaan taageeradooda si qoysaska ay abaartu aadka u saameysay loo badbaadiyo.
Barasaabka Kirinyaga ayaa sidoo kale ka codsatay maamulka qaran ee maareynta abaaraha NDMA inay dadajiyaan bixinta gurmadka abaaraha loogu talo galay si ay ismaamullada awood ugu yeeshaan inay sida habboon uga jawaabaan dhibaatada taagan inta ay karaan.
Anne Waiguru ayaa dhanka kale dalbatay in si degdeg ah loo fasaxo saami qaybsiga dakhliga ismaamullada wadanka si kor loogu qaado gargaarka bini’aadanimo ee la gaarsiinayo qoysaska abaartu saameysay.
Guddoomiyaha golaha ay ku mideysan yihiin barasaabyada ismaamullada dalka ee CoG ayaa hadalkan ka sheegtay kulan uu madaxweyne ku xigeenka wadanka Rigathi Gachagua uu shalay la qaatay barasaabyada dowlad deegaannada ay abaartu sida daran u saameysay.
Sida ay dowladdu sheegtay ugu yaraan 3.5 milyan oo kenyan ah ayay abaarta ku baahsan ilaa 23 ismaamul si ba’an u saameysay.