Waxaa ismaamulka Nairobi maanta ka billaabanaya bandhigga caalamiga ee ganacsiga.
Waxaa sanadkan hal-ku dhig u ah xoojinta hal-abuurka iyo tiknolojiyadda ee abuurka iyo ganacsiga.
Bandhigii ugu horreeyay ee noocan ah ayaa xarunta Jeevanjee gardens ee magaalada Nairobi lagu qabtay sanadkii 1902.
Waa madal isdhexgal oo la isku waydaarsado fikradaha , fursadaha iyo khibradaha ganacsi.
Barnaamijkan oo socon doono muddo toddobaad ah ayaa la soo gabagabeynaya 2-da bisha Tobnaad ee sanadkan.