Ismaamulka Uasin Gishu oo howlgeliyay in ka badan 1,200 oo macallimiin ah

0
216

Dowladda ismaamulka Uasin Gishu ayaa shaqaaleysiisay macallimiin dhan 1,287 si ay wax uga dhigaan fasallada dugsiyada hoose dhexe .
Barayaashan oo ku takhasusay horumarinta tacliinta aasaasiga ee carruurta ee (ECDE) ayaa si joogto ah u shaq eyn doono ka dib 10 sano oo ay sugayeen.
Waxay in muddo ah wax barayeen ugu yaraan 26,000 oo carruur ah .
Barasaabka ismaamulka Uasin Gishu ,Jonathan Bii ayaa sheegay in tallaabada lagu howlgeliyay macallimiinta ay u tahay dhiirrigelin sidoo kalena la doonayo in lagu wanaajiyo tayada tacliinta ubadka.
Waxaa uu guddoomiyaha intaasi ku daray inuu muran dhanka habraacyada shaqaaleysiinta ah u dhexeyay guddiga adeegga macallimiinta ee TSC iyo dowladda ismaamulka Uasin Gishu taasoo dib u dhac sababtay balse ugu dambeyn la xalliyay.