Walaalka madaxweyne ku xigeenka dalka oo geeriyooday

0
424

Waxaa lagu soo warramayaa inuu geeriyooday Jack Reriani oo walaal la ahaa ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua.
Madaxweyne ku xigeenka Kenya Rigathi Gachagua ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa rasmiga ee Facebook-ga ku xaqiijiyay geerida walaalkiisa ka wayn.
Waxaa uu sheegay inuu xalay dhintay walaalkii, hasa ahaate ma uusan shaacin waxa sababay geeridiisa.
Mr. Rigathi Gachagua ayaa waxa uu walaalkii ku ammaanay in uu ahaa tiir door muhiim ah ka qaatay noloshiisa.
Waxaa uu xusay inuu kala talin jiray dhanka hoggaaminta, islamarkaana uu kaalin wayn ka soo qaatay maalgelintiisa dhanka waxbarashadiisi dugsiga sare.
Bishii Labaad ee sanadkii 2017-kii ayay ahayd markii hoggaamiyaha labaad ee wadanka ugu sarreya uu waayay walaalkii kale Nderitu Gachagua, kaas oo soo noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee Ismaamulka Nyeri.
Siyaasiyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin guddoomiyaha baarlamaanka Moses Wetangula , senatarka ismaamulka Kakamega Boni Khalwale iyo wakiilkii hore ee dumarka ee ismaamulka Kirinyaga Wangui Ngirici ayaa tacsi u diray qoyska madaxweyne ku xigeenka dalka.