Hoggaamiyaha xisbiga Thirdway Alliance Dr.Ekuru Aukot ayaa sheegay in 11-ka qof ee lagu dilay ismaamulka Turkana ay ka mid tahay gabadh isaga la dhalatay.
Weerarkan oo xalay dhacay ayaa la rumeysan yahay inay fulisay koox burcad ah.
Dadka lagu dilay, 8 ka mid ah waxay ahaayeen ciidamada ammaanka.
Aukot ayaa madaxweynaha dalka William Ruto ugu baaqay inuu wax ka qabto amni darrada ku soo noqnoqotay dowlad deegaankaasi.
Dhanka kale afhayeenka waaxda qaran ee adeegga booliska Bruno Shioso ayaa falkan si kulul u cambaareeyay.
You didn't die naturally instead you were killed by Pokots from Tiaty. We urge Government of Kenya to give Turkana people guns and ammunitions so that we can protect ourselves. It is TOO MUCH. @kipmurkomen @rigathi @OleItumbi @WilliamsRuto @IG_NPS pic.twitter.com/Uqp5MGa41b
— Eng. Ekeno Charles, S.E, GE. (@Ekeno_Charles) September 24, 2022