Madaxtooyada dalka oo maanta lagu qabanaya munaasabad mahadcelin ah

0
307

Madaxweynaha dalka William Ruto iyo marwadiisa Rachel Ruto ayaa maanta xarunta madaxtooyada ee State House ee magaalada Nairobi ku qabanaya munaasabad isugu jirta duco iyo mahadcelin.
Munaasabadda ayaa ka dhacaysa goobta loo yaqaano State House Gardens .
Wararka ayaa intaasi ku daraya in mas’uuliyiinta ka qayb galaya uu ka mid yahay hoggaamiyaha labaad ee dalka Rigathi Gachagua .
Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa saaka dib uga soo laabtay safar dibadeed oo maalmo qaatay.
Waxaa uu ka qayb galay aaska boqoraddii Ingiriiska ee geeriyootay sidoo kale kulankii qaramada midoobay ee magaalada New York .