Madaxweyne ku xigeenka dalka Rigathi Gachagua ayaa la filaya inuu isugu yeero kulan ay ka qayb galayaan mas’uuliyiinta dowlad deegaannada ay saameynta ba’an ku yeelatay abaarta.
Shalay ayay ahayd markii hoggaamiyaha wadanka William Ruto uu sheegay in berri uu ku xigeenkiisa shirkan guddoomin doono.
Kulanka ayaa laga soo saari doonaa tallaabooyin wax looga qabanaya saameynta abaarta.
William Ruto ayaa shirweynaha 77-aad ee golaha guud ee qaramada midoobay ka sheegay in abaarta ay saameysay 3.1 milyan oo qof.
Wareysi uu siiyay warbaahinta dowladda Faransiiska ee France24 ayuu madaxweyne William Ruto ku sheegay in isbeddelka cimillada uu caqabad ku yahay Kenya iyo waddamada kale ee qaaradda Afrika ee ay abaarta ka jirto.
Waxaa la qiyaasaya in marka la gaaro bisha Tobnaad ee sanadkan , tirada dadka ay saameynta ku yeelan karto abaarta ee gobolka geeska Afrika ay noqon doonto ugu yaraan 36.1 milyan oo qof .
My deputy @rigathi will, Monday, convene a meeting of GoK involving county leaders/officials to harmonise urgent interventions to stem the severely adverse effects of ravaging drought in almost 20 counties that is putting about 3 million people at great risk.
— William Samoei Ruto, PhD (@WilliamsRuto) September 24, 2022