Ugu yaraan 20 qof ayaa ku dhintay halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen Equatorial Guinea ka dib markii afar qarax oo is xigay ay ka dhaceen xero militari oo ku taala magaalada Bata .
Muuqaallo uu baahiyay telefishinka qaranka ee dalkaas ayaa muujinaya in dhismayaal ku wareegsana xeerada Nkoa Ntoma ay guubteen.
Waxaa sidoo kale muuqaalka laga dheehan karaa qiiq iyo uuro madow oo ciirka isku shareeray.
Carruur iyo dad waaweyn ayaa laga soo saaray burburka waxaana la dhigay isbitaalka magaalada Bata si looga daaweeyo dhaawacyo soo gaaray.
Wasaaradda caafimaadka ee dalkaas ayaa qoraal ay soo dhigtay barteeda rasmiga ee Twitter-ka ku sheegtay in ay suurtagal tahay in dad badan ay weli ay ku hoos jiraan burburka dhismayaasha.
Madaxweynaha dalkaasi Teodoro Obiang Nguema ayaa sheegay in qaraxyada ay ka dhasheen beeraleey xakameyn waayay dab ay shideen oo ugu dambeyn gaaray waxyaabaha qarxa oo si aan habboneyn loogu keydiyay xerada militari.
Wasaaradda gaashaandhigga ee dalka Equatorial Guinea ayaa dhankeeda sheegtay in ugu yaraan 20 qof ay dhinteen halka 600 oo qof ay dhaawac yihiin.