Mudaaharaadayaal lagu dilay Myanmar

0
618

Wararka naga soo gaaraya dalka Myanmar ayaa sheegaya in labo mudaaharaadayaal ah ay u dhinteen dhaawacyo ka soo gaaray dhinaca madaxa.
Goobjoogayaal ayaa sheegay in la xiray dukaamada, warshadaha iyo bangiyada magaalada Yangon.
Go’aamadan ayaa lagu sheegay kuwo qayb ka ah kacdoonka lagaga soo horjeedo xukunka militariga ee dalkaas.
Sawirro la soo dhigay barta Facebook-ga ayaa muujinaya meydadka labo nin oo yaala waddo ku taala magaalada Myitkyina.
Shakhsiyaadkan la dilay ayay wararku sheegayaan in ay ka qayb qaadanayeen mudaaharaadka ka socdo Myanmar.
Dhanka kale waxa uu dhaawac so gaaray saddex qof.
Qaramada midoobay ayaa isbuucii la soo dhaafay sheegtay in booliska iyo militariga dalka Myanmar ay dileen in ka badan 50 qof si ay u xakameeyaan banaanbaxyada maalinlaha ah iyo weerarrada looga soo horjeedo afgambigii 1-dii bishii hore.