Senetarkii hore ee Mandera oo eedeymo u jeediyay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka

0
334

Senetarkii hore ee ismaamulka Mandera Billow Keerow ayaa ku eedeyay hanti dhowraha guud ee dalka inuu lacago laaluush ah oo gaaraya 3 bilyan oo shilin ah siiyay guddiga maaliyadda ee baarlamaanka si uu u meelmariyaan dhowr hindise sharciyeed.
Mas’uulkan hore ayaa sheegay in arrintan ay keentay su’aalo badan oo la iska weydiinayo hufnaanta xafiiska hanti dhowrka guud ee wadanka iyo qaabka loo meelmariyo miisaaniyadda dalka.
Mr. Keerow ayaa tilmaamay inay tallaabadan muujinayso madaxbanaani la’aanta guddiga maaliyadda.
Waxaa uu walaac ka muujiyay sax ahaansha qaabka loo qoondeeyo maaliyadda.
Billow Keerow ayaa sheegay in xafiiska hanti dhowraha oo wada shaqayn weyn la leh baarlamaanka uu sanadkii 2015-kii bixiyay lacago laaluush ah sidoo kalena ay warbaahinta gudaha si aad ah uga hadashay.
Waxaa uu intaasi ku daray in guddiga qoondeynta miisaaniyadda ee baarlamaanka la siiyay lacag gaaraysa 3 bilyan oo shilin si uu ansaxiyo dhaqaalahaasi, isagoo sheegay in aqalka sare arrintaasi uu xilligaasi fadhi ka yeeshay.
Senetarkii hore ee dowlad deegaanka Mandera ayaa sheegay inay taasi muujineyso sida mararka qaarkood ay suurtagal u tahay in xafiiska maaliyadda uu saamayn ku yeesho golaha xeer dajinta ee dalka.
Waxaa uu hoosta ka xariiqay muhiimadda ay daahfurnaanta maaliyadeed dalka u leedahay ayna waajib tahay in markasta diiradda la saaro.