Israa’iil ayaa laga soo billaabo tan iyo sanadkii 2018-kii , safiir cusub ku yeelan doonto dalka Turkiga.
Waxaa arrintan shaacisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Israa’iil.
Tallaabadan ayaa lagu sheegay mid xoojinaysa xiriirka labada dhinac muddo afar sano ah ka dib.
Irit Lillian, oo ah dibloomasiyad sare oo labadii sano ee la soo dhaafay ahayd madaxa safaaradda Israa’iil ee Ankara ayaa loo magacaabay xilka safiirnimo.
Sanadkii 2018-kii ayay ahayd markii ay dowladda Turkiga safiirkeedi ay kala soo baxday Israa’iil iyadoo midkii halkaasi ku matalayay maamulkaasi ku amartay inuu wadanka ka baxo.
Waxay xilligaasi xukuumadda Ankara ka falcelinaysa dilal ay Israa’iil u gaysatay Falastiiniyiin dibadbax ka sameeyay xadka marinka Qaza.