Madaxweyne ku xigeenka dalka oo isbitaalka ku booqday ilaalo dhaawacmay

0
327

Ku xigeenka madaxweynaha dalka Rigathi Gachagua ayaa maanta isbitaalka Nairobi West ku booqday saraakiil ka mid ah ciidamada ilaalada ee madaxtooyada oo shil ku dhaawacmay.
In kastoo dhacdada shilka aan faahfaahin dhameystiran laga hayn, hoggaamiyaha labaad ee dalka ayaa qoraal ku sheegay in saddexda sarkaal dhawaan laga soo saari doono xarunta caafimaad ee hadda lagu daweeynaya.
Waxaa uu xusay inuu ku farxay in xaaladda caafimaad ee saraakiisha ay soo hagaagayso sida ay dhakhaatiirta u xaqiijiyeen.
Sawirro la soo geliyay baraha bulshada ayaa muujinaya isagoo ay weheliyaan howlwadeennada caafimaadka oo la shekeysanaya saraakiisha dhaawaca ah.
Rigathi Gachagua, madaxweyne ku xigeenka dalka ayaa intaasi ku daray inuu saraakiisha booliska ku bogaadinaya waddaniyadooda iyo sida ay uga go’an tahay shaqada ay qaranka u hayaan.