Guddiga adeegga dadweynaha ee PSC ayaa sheegay in shakhsiyaadka daneynaya xilalka xoghayayaasha joogtada ah ee wasaaradaha dowladda dhexe ay haystaan muddo toddobo cisho oo dheeraad ah si ay codsiyo u gudbiyaan.
Waxaa arrinkan shaaca ka qaaday madaxa fulinta ee PSC ,Simon Rotich.
Muddadii horay loo shaaciyay ee qabashada codsiyada ayaa ku ekeyd saqda dhexe ee caawa.
Xilalkan ayuu guddiga adeegga dadweynaha soo xayaysiiyay bishan Sagalaad gudaheeda.