Munaasabadda aaska boqoraddii geeriyootay ee Ingiriiska oo socota

0
210

Ilaa 2,000 oo qof ayaa isugu uruuray macbadka Westminster ee ku yaalla bartamaha magaalada London halkaas oo lagu qabanayo munaasabadda aaska boqoraddii geeriyooday ee UK Queen Elizabeth II, oo muddo dheer haysay awoodda boqortooyada oo geeriyootay horraantii bishan.
Xilli ay socoto munaasabadda, waxaa 96 jeer la garaacay gambaleelka kaniisadda.
Waxaa ay ka turjumeysay garaacista nolosha boqoradda.
Ku dhawaad 500 madaxweyne iyo marti sharaf ka socda UK iyo caalamka ayaa ku sugan macbadka Westminster halkaas oo ay ka socoto munaasabadda aaska boqoradda.
Xubno badan oo ka tirsan qoyska boqortooyada dalalka shisheeye iyo qoyska boqortooyada Ingiriiska ayaa ku sugan kaniisadda.