Booliska dalka Iiraan ayaa nasiib darro ku tilmaamay haweeney la sheegay inay ku geeriyootay xabsiga dhexdiisa ka dib markii la xiray toddobaadkii hore.
Haweeneydan oo magaceyda lagu sheegay Amini islamarkaana da’adeedu ahayd 22 sano jir, ayaa la xiray ka dib markii lagu eedeyay inay jabisay xeerarka labiska ama xirashada dharka.
Xabsiga weyn ee magaalada caasimadda Tehraan ayay ku xirneyd iyadoona halkaas Jimicihii la soo dhaafay ku geeriyootay.
Geerida Amini ayaa keentay in bannaanbaxyo ay ka dhacaan gudaha dalka Iiraan.
Booliska ayaa lagu eedeyay inay ku kaceen fal arxaan darro ah.
Si kastaba ahaate waxaa socda baaritaanno lagu ogaanayo sababta keentay in gabadhaasi ay xabsiga ku dhex dhimato.