Qaramada midoobay ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in daafaha caalamka ay ku nool yihiin ugu yaraan 345 milyan oo ruux oo u baahan cunno.
Agaasimaha fulinta ee barnaamijka cunnada adduunka ee WFP David Beasley ayaa arrintan shaaca ka qaaday.
Waxaa uu sheegay in caalamka uu wajahayo xaalad degdeg oo gaartay heer aan horay loo arag.
Waxaa uu intaasi ku daray in dagaalka ka socdo gudaha dalka Ukraine uu cunno la’aan dhigay 70 milyan oo qof.
Arrintan ayuu u sheegay golaha ammaanka ee qaramada midoobay.
Waxaa uu intaasi ku daray in dadka xaaladahan wajahaya ay ku nool yihiin 82 waddan oo ay ka jirto cunno yari oo ay WFP ka howlgasho.