Ugu yaraan 8 qof ayaa la xaqiijiyay inay xalay ku dhinteen dalka Talyaaniga oo ay ka da’een roobab culus kuwaasoo ay fatahaado ka dhasheen.
Dhimashada ayaa laga soo tabiyay gobolka Marche ee bartamaha wadankaasi.
Saraakiisha samatabixinta ayaa weli raadinaya afar ruux oo la la’yahay.
Roobabka oo heer ahaan lagu qiyaasay 400 oo miliimiitar ayaa da’ayay labo saac ilaa saddex saacadood.
Duqa magaalada Serra Sant’Abbondio Ludovico Caverni, ayaa roobabka xooggan ee halkaasi ka da’ay la barbardhigay dhul gariir.