Maamullada dalka Ukraine ayaa sheegay inay arkeen meel u dhow magaalada Izyum oo lagu aasay meydad badan.
Maalmo ka hor ayay ahayd markii saraakiisha difaaca ee Ukraine ay Ruushka dib ugala wareegeen magaaladan oo ku taalla waqooyiga bari ee wadankaasi.
Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskyy ayaa laga soo xigtay in xabaal wadareedkaasi lagu aasay 440 oo meydad ah.
Arrintan ayuu shaaca kaga qaaday khudbad uu xalay jeediyay.
Waxaa uu intaasi ku daray in ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo maanta warbaahinta lala wadaagi doono xogta dhabta ah.